Akhri:Daawada Cabsida, Walwalka iyo Oohinta.



Qormadan waxaan ku faaqideynaa xanuunka walwalka,cabsida iyo dhaqanka oo qofka ka lumo.


Waa xanuun qofkasta ku dhici kara,waa mid si sahlan loo qaadi karo adiga oo la jooga qoyskaada iyo saxiibbadaada.


Depressionka wuxuu inta badan ku dhacaa dadka da'da dhaxe iyo kuwa waa weyn oo soo arkay waxyabo kala duwan waxyabahaas waxay sameyn weyn ku reebi kartaa  noloshooda.


Depressionka waxaa loo kala qeybiyaa sadax qeybood oo waa weyn


✓Depression iskiisa u yimid oo la yaqaan wax kalifay,Sida in uu waaridkaada dhintay oo kale,Jaceelka oo ka burburay,shaqo aad ku hamineysay oo aad weysay iwm.


✓ Waxaa kale oo jira Depression ka dhasha dhalmada kaddib, dumarka dhala inta badan,waxaa lagu arkaa walwal,cabsi joogta ah,ooyin joogta ah iyo iyagoo jacel in ay kiligood noqdaan.


✓Sidoo kale waxaa jira depression ka dhasha shil aad la kulantay,ama aad qeyb ka tahay shilkaas,Qubarada cafimaadka waxay ku tilmamaan musibo dhacaday.


Astaamo nocee ah ayaa lagu arkaa dadka la ildaran Depressionka


✓Qofka oo iska aamusa

✓Wal wal joogta ah

✓Cabsi joogta ah

✓Dadka oo aad ka dhaxbaxdid

✓Ooyin Joogta ah oo mararka qarkood qol madoow isku soo xirtid

✓Hurda yadhi

✓Madax xanuun joogta ah


Maxaa lagu daweyaa Walwalka.


Daweynta depressionka waxaa loo mari karaa dhoor nooc oo kala gadisan sida in dawo la siiyo,in talo la siiyo oo dhibka meesha uu ka jiro la xaliyo,iyo in quraan la saaro, qofka muslimka ah waxaa laga rabaa in uu rabi isku xiro kana fogaado waxyabaha nafta u fiicneen.


Dhakhatiirta dhanka maskaxda ah qofka waxay siiyaan dawooyin si loo dajiyo maskaxda,dawooyinkaas waxay ka caawinayaan in aad seexatid hurdo kugu filan iyo in ay ka yareyaan cabsida iyo wal walka ku hayo dawooyinkaas waxaa ka mid ah paroxetine,citalopram,fluoxetine, Diazepam Dawooyinkan waxaa muhiim ah in aad si joogta ah u  qaadatid.


NB:Dawo uusan Dhakhtar Ku qorin ha qaadan Markasta Dhakhtarkaada kala tasho.


La wadaag asxaabtaada siina gaarsii walaalaha kale.


W/Q DR CADCEED

Comments