Maxaa ka taqaanaa Axmed Xasan Cowke?

 



Allaha u naxariistee Axmed Xasan Sheekh Suufi (Cawke) waxa uu 17-kii November, 2015 ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Dhulka Soomaalida Ethiopia. Isla maalinkaas ayaa lagu aasay magaaladii uu ku dhasahay ee Tog Wajaale.


Geeridiisa waxa ay keentay in ay warbahainta Soomaalida weyso xubin aad muhiim ugu ahayd. Suxufi, fanaan, siyaasi, macalin, mid u dooda xuquuq aadane iyo qof kasta oo ka mid ahaa bulshadii maqashay/daawatay ama la shaqeysay amaan ayay ku hagoogtay Cawke. 


Barnaamijyo fara badan oo ka baxay idaacadaha Afka-Soomaaliga ku hadla ayaa laga sameeyay geerida Cawke.


Waxbarashadiisa 


-1960-aadkii ayuu Dugsi Hoose oo ku yiilay isla degmada uu ku dhasahay ee Tog Wajaale ayuu waxbarashadiisii aasaasiga ahayd ka bilaabay.

-1964-kii waxa uu Dugsi Dhexe ka bilaabay degaan lagu magacaabo Cadaadley, halkaas oo uu ku dhameeyay waxbarashadiisii Dugsiga Dhexe.

-1970-aadkii ayuu galay dhameeyayna Dugsigiisii Sare, oo ahaa Camuud, kaas oo ku yiilay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waana halka hadda ah Jaamacadda Camuud.

 - Markii uu dugsigii sare dhameystay ayuu galay tabarka Xalane oo ay xiligiisii qasab ahayd inuu galo qof kasta oo soo dhameystay Dugsuga Sare, hase ahaatee markii taas uu idleystatay ayuu isla 1970-aad bilaabay waxa loo yiqiinay Adeega Qaranka (National Service).



Waaya-aragnimada iyo Shaqada


-1971-1972-kii ayuu Axmed Xasan Cawke ku jiray qabashada Adeegga Qaranka (National Service), isaga oo macalin ka noqdo magaalada Barbara ee gobolka Waqooyi Galbeed.

-1973-kii horaanteedii ayuu Cawke u shaqa bilaabay Radio Muqdisho, iyada uu markii dambane door weyn ku lahaa barnaamijyadii TV-ga Qaranka ee Soomaaliya.

-1977-kii ayuu Axmed Xasan Cawke si gaar ah u bilaabay tabinta barnaamijyo gaar ah oo ka hadlayay dagaalkii waqtigaas ee Soomaaliya iyo Ethuiopia, kuwaasoo lagu taageeray xukumaddii militariga ahayd ee hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

-1980-aadkii, Cawke waxa uu noqday wariyaha Gaarka ah ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Allaha u naxariistee, Gen. Maxamed Siyaad Barre.

-1990-aadkii ayuu ku biiray BBC-da Laanteeda Afka-Soomaaliga ah, halkaas oo uu ka shaqeynayay ilaa 2008-dii.

-2008-dii Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA-da ayuu ka shaqeeyay, ilaa markii dambe uu kasoo muuqday TV-yada Afka-Soomaaliga ah ku hadla, Universal TV, Horn Cable TV iyo SLNTV.

Comments