Faah-faahin: Qarax ka dhacay Muqdisho


Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, sideed kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax uu fuliyey qof isa soo miidaamiyey oo ka dhacay Maqaaxi Shaaha laga cabo oo ku taalla agagaarka Dugisga tababarka ciidanka booliska ee Janeraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa xaqiijiyay geeriday 5 ruux iyo sideeda dhaawaca ah ee uu geystay Qaraxa.

Ma jirto cid sheegtay mas'uuliyada qaraxaan, balse waxaa qaraxyada nuucaan ah magaalada Muqdisho ka fuliya Al-shabaab. 

Amniga Muqdisho ayaa deganaa bilihii la soo dhaafay iyadoo ciidamada amnigu ay kordhiyeen howlgalada amniga. 

Comments