Itoobiya: Waqtigii isi dhiibista Tigrey oo dhammaaday


Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Aby Axmed ayaa sheegay inay dhamaatay Waqtigii 3 maalmood ee loo qabtay ciidanka Tigreeyga inay isku soo dhiibaan.

Lamana oga tallaabada xigta oo uu qaadi doono iyayadoona waqti hore la  duqeeyay caasimadda gobolkaasi.

Dhanka kale Hogaamiyayaasha qaaradda Afrika ayaa isku dayaya inay ku qanciyaan dowladda Itoobiya inay aqbasho in la bilaabo geedi socod dhexdhexadin ah oo lagu soo afjarayo colaadda gobolka Tigrey.

Hogaamiyaashan ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga hortago in dagaalka uu ku sii fido guud ahaan gobolka.

Madaxwaynaha dalka Ugandan, Yoweri Museveni, ayaa wadahadalo la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Demeke Mekonnen iyo madaxwaynihii hore ee Nigeria , Olusegun Obasanjo, oo isagu u yimid si geedi socodka uu ugu biiro.

Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenya aya sidoo klae codkiisa ku biirayay baaqyada ku aadan in si qaab nabadeed lagu xaliyo dagaalka dalka Itoobiya ka socda.

Comments