Muqdisho: Qarax lala beegsaday ciidamada Amison


Qaraxu waxuu Ka dhacay Meel udhaw Isgooska Fagax ee Muqdisho, waxaana Xigay  Hubab culus, Goobta ay wax ka dhaceen waa Meel ka agdhaw  isgooska Fagax ee Muqdisho gaar ahaan Halka Loo yaqaano Masaajidka Turkiga ee ku yaala Wadada aada Xaafada Jamhuuriyada


Ciidamo ka Tirsan AMISOM ayaa qaraxa Lala eegtay sida ay sheegayaan dadka Deegaanka, Waxuuna ka dhacay Halka Loo yaqaano Dabaqa Dhiiga oo udhaw Masaajidka Turkiga oo dhanka Waqooyi ka xiga Isgooska Fagax ee Muqdisho.


Qoriga dhashiikaha iyo dabajeexa ayay ridayeen Ciidamada Markii Qaraxa Lala eegtay waxaana cabsi xoogan ay soo wajahday Dadka Shacabka ah ee Eeriyadaas Degan.


Comments