Saddex erey oo galaaftay Axmed Ciise Cawad


Saddex weedhood oo kaliya ayaa galaaftay Wasiirkii arrimaha debedda ee Soomaaliya kuwaas oo ku jiray Bayaankii sida degdeg ah looga tirtiray Page-ka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xaaladda Ethiopia lagaga hadlay.

1:  Mawqifka Soomaaliya ee  ka muuqday Warqada waxaa loo adeegsaday kelmedda "Call for Dailogue" oo taageeraysay in arrinta tigreega Wadahadal lagu dhameeyo balse ereygaasi wuu dhibayaa Xukumadda Abiye Ahmed, oo  ma maqli karto kelmedaa oo macnaheedu kusoo ururayo arrinta wadahadal ha lagu dhameeyo.

2: Dagaalka ka socda gobolka Tigreega Xukuumadda Abiye, waxa ay u bixisay "Law Enforcement operations" iyaga oo ka cararaya kelmedaha "Conflict, War iyo kuwa la mid ah " oo Xukuumadda Abiye diidan tahay, Warqadda waxaa lagu adeegsaday kelmedda conflict halkii laga adeegsan lahaa Law Enforcement Operation, sida itoobiya doonayso, arrintaas waxa ay kala siman yihiin madaxweynaha Uganda oo sidaas si la mid ah isna u tirtiray qoraal uu soo dhigay kadib markii uu adeegsaday Conflict.

Waddankasta  conflict ama War isticmaalaa waxa loo qaadan karaa inuu si uun xaq u siinayo Tigreega  sida Xukuumadda Ethiopia aaminsan tahay.

3. Xukumadda Abiye Ahmed, waxa ay doonaysaa in Waddama Ka tirsan urur goboleedka IGAD ay si buuxda ula saftaan si ay isaga yarayso culayska diblamaasiyadeed ee saaran markaa filan waa ayay ku noqotay in Soomaaliya ku baaqayso wadahadal dhexmara Xukuumadda iyo Tigreega.

Xukuumadda Soomaaliya waxa suuragal ah in ay warqad kale oo si Qayaxan u taageerayaa Xukuumadda Abiy, soo saarto.


W/Q:Hassan Gallaydh 

Comments