Waa Kuma Cumar Carte Qaalib?



Cumar Carte Qaalib wuxuu 1930-kii ku dhashay Hargeysa, isla Hargeysa ayuu ku qaatay waxbarashada hoose/dhexe, kahor intii aanu England waxbarashada sare u tegin.

Wuxuu soo noqday macallin, maamule-dugsi, xoghaye-urur, siyaasi, iyo mid kamid ah wasiirradii arrimaha dibadda ugu muddada dheeraa ee abid soo mara Soomaaliya.

Intii uu ahaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cumar Carte waxaa lagu xasuustaa:

1. 1972 inuu noqday madaxwaynaha golaha ammaanka qaramada midoobay.

2. 1972, dhexdhexaadintii dagaalkii Ugaandha iyo Tansaaniya.

3. 1974, Ku darriddii Soomaaliya ururka jaamacadda carabta.

Cumar dadka yaqaan waxay ku sheegeen inuu ahaa "diblumaasi dhab ah", kaas oo madaxda adduunka gaar ahaan kuwa carbeed shaxdooda fahmi jiray.

1977, ayaa xilka laga qaaday, 1982, xabsi baa lagu riday, waxaana lagu xukumay "dil".

Balse dawlado badan ayaa Soomaaliya ugu cadhooday falkaas si waynna uga dhiidhiyay, wuxuu soo dhammaystay 7 sanno oo ah xabsi bilaa maxkamad ah, waxaa haddana la geliyay "xabsi-guri".

Maxamed Siyaad Barre ayaa u magacaabay raysal-wasaarihii ugu dambeeyay ee xukuumaddii kacaanka, markii uu dhacay ee Cali Mahdi madaxwaynenimada qabsadayna, Cumar Carte mar kale ayuu u magacaabay raysal-wasaaraha Soomaaliya, illaa uu ka degay 1993-kii. 

Comments