Amar uu soo saaray Madaxweyne Deni oo maanta dhaqan gelaya


Shalay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid cabdullaahi Deni waxaa uu faray Bangiyada iyo xawaaladaha in ay sameeyaan qayb Sarifka lacagaha ah si meesha looga saaro dhibaatada taagan ee sicir bararka ah.

Maanta ayaa la filayaa in degaannada Puntland uu ka dhaqan galo amarkaas uu soo saaray madaxweyne Deni, waxaana amarkaan uu hadii uu fulo uu meesha ka saaarayaa jahwarerka ka taagan dhinaca sarifka taas oo dhalisay in ganacsatada ay diidaan isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga.

Cabdi Casiis Faarax Gaas oo kamid ah sariflayaasha Magaalada garoowe ayaa soo dhaweeyay Amarka Madaxweynaha, isla markaana ay sugayaan in uu dhaqan galo.

Waxaa uu sheegay in arrintaasi hadii ay hirgasho ay wax badan soo kordhinayaan, waxana uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in 10: 00 Barqanimo wixii ka dambeeya uu dhaqan geli doono Amarka Madaxweynaha Puntland.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Puntland ka dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeedo diidmada laga muujiyay isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga, iyada oo ay taasi sababtay in suuqyada qaar ee magaalooyinka puntland inay xirmaan.

Comments