Rag ku eedeysan kufsigii iyo dilkii loo geystay Xamdi oo Maxkamad la soo taagayo



Maxkamadda Gobalka Banaadir oo maanta markii 3aad dhagaysanaysa kiiska AUN Xamdi Maxamed Faarax  taas oo kufsi iyo dilba loogu gaystay Muqdisho 11 kii September ee sanadkaan sii dhamaanaya.

Kiiskaan isugu jira dilka iyo kufsiga ayaa loo soo qab qabtay ilaa 11 qof oo isugu jira rag iyo dumar kuwaas oo lagu soo eedeeyay in ay ku lug lahaayeen kiiskaan, balse waxaa dib loo fasaxay qaar kamid ah dadkaas oo ay maxkamadu cadaymo ku waysay, waxaase maanta la filayaa in maxkamada lasoo taago 3 eedaysane oo kamid ahaa dadkii loo soo qabtay kiiskaan.

Ehelada gabdha kufsiga iyo dilka loo gaystay oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa dalbaday in cadaalada la mariyo dadkii dilka iyo kufsiga u gaystay gabadhooda, waxayna walwal ka muujinayeen in aan si sax ah loo wajihin kiiska Xamdi Maxamed Faarax

Comments