Mareykanka oo ciidamadiiska kala baxay Soomaaliya


 Taliska militariga Maraykanka Africa ee loo yaqaano AFRICOM ayaa xaqiijiyey in la dhammaystiray howlaha ciidamada mareykanka ee ka  bixitaanka Soomaaliya .


Gaashaanle Sare Christopher Karns Afhayeenka AFRICOM  oo wareeysi siiyay VOA-da ayaa u sheegay  in howlaha kabixitaanka la dhammaystiray laba maalmood ka hor waqtigii kama-dambaysta ee uu u qabtay madaxweynaha doorashada looga adkay Donald Trump in ciidankiisa looga saaro Soomaaliya oo ku beegnayd 15-kii Bishaan .


Gaashaanle Sare Christopher Karns afhayeenka ciidamada AFRICOM ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in weli ciidamada badan oo Mareykan ah ay ku hareen gudaha Soomaaliya .


Afhayeen karns ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo halka la geeyay ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya laga saaray sababa dhinaca Amaanka ah .


Waxa uu sheegay Gaashaanle Christopher in haatan hawgalkooda Mareeykan ay galeen wajigoodii Xigay , iyagoona sheegay in ay xoojin doonan xiriirka Ciidamada Soomaaliya , Waxa uuna  wacad ku maray in Maraykaku uu sii wadi doono howl galada ciribtirka ah ee Al-shabab .


Mareeykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka joogay ciiidamo lagu qiyaaso illaa 700 oo Askari , kuwaas oo Soomaaliya u joogay in ay tababaraan islamarkaana caawiyaan ciidamada Soomaalida, gaar ahaan ciidanka Danab.


Madaxweyne Trump aya dalbay in ciidanka Maraykanka laga soo saaro Soomaaliya bilaawgii  bisha December ee sanadkii tagay.


Comments