Shir Aviazone ka furmay iyo wararkii u dambeeyay

Waxaa teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ka socda shir u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada taageersan dowladda iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka waxa ka qayb-galay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Warar soo baxaya  ayaa sheegaya in madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland aysan ka qeyb gali doono Shirka maanta bilowday,
kaas oo uu maalmo ka hor iclaamiyay madaxweyne Farmaajo, si loo xalliyo muran ka aloosan Arrimaha doorashooyinka dalka.

Xubnaha beesha Caalamka ayaa wado dadaalo ku aadan sidii Axmed madoobe iyo Deni ay ugu qeyb gali lahaayeen shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho

Comments