Galmudug oo sharuud adag ku xirtay ka qeybgalka shirka Xalane


Dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa sheegay in aysan ka qeyb galeyn shirka Muqdisho, haddii aysan iclaamin dowladda Soomaaliya.


Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in arrimaha Soomaaliya dhexyaala ay iyadu xalisato, beesha caalamkana ay kor joogteyso.

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo madaxweyneyaasha K.Galbeed, Galmudug ay Turkiga ku maqanyihiin.

Lama oga sida uu ku qabsoomi doono shirka ay garwadeenka ka tahay Beesha caalamka ee la qorsheeyay in uu ka dhaco xirada Xalane ee u dhow garoonka diyaaradaha Muqisho.

Comments