RW Rooble oo ku baaqay shir deg deg, ka dib isku dhacyadii Muqdisho


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay ururada bulashada Riyidka, isaga oo ku baaqay shir deg deg ah oo xal loogu helayo xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka gaar ahaan, Isku dhacyadii shalay ilaa xalay ka socday qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Xubnaha Bulshada Rayidka ayaa Ra’iisul wasaaraha u soo jeediyay in uu qaato doorkiisa ku aadan sidii wada hadal loogu dhammeyn lahaa khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo mas’uuliyiinta Mucaaradka.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku baaqay shir deg deg ah, kaasi xal looga gaaro qalalaasihii saacadihii u dambeeyay ka dhacay magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Xubnaha Mucaaradka ee sida wayn u diidan muddo kordhinta loo sameeyay Hay’adaha dowladda ayaan weli ka hadlin shirkaasi uu ku baaqay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Comments