Madaxweyne ku-xigeenka Turkiga oo Muqdisho ku soo wajahan

 

Anadole
Turkey’s vice president Fuat Oktay/Anadole

Saadso-Muqdisho: waxaa la filayaa Khamiista oo ku beegay 19 bishan in ay magaalada Muqdisho yimaadaan Wefdi sare oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Turkiga iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Sida xogaha aan ku heleyno wefdigaan ayaa u jeedka safarkoodu yahay sidii ay uga qeyb-gali lahaayeen  dabaal degayaa 10 sano guurada kasoo wareegatay xiriirka soomaaliya iyo turkiga ay leeyihiin kaasi oo soo bilowday 19 Augst 2011, xilligaasi oo uu dalka yimid Ra’iisul wasaarihii haddana ah Madaxaweynaha Turkiga Ordugan.

Ordugan ayaa soomaaliya markale yimid 25 january ee 2015ka xilligaas oo uu xariga ka jaray isbitaalka ordugan ex digfeer iyo safaaradda ay soomaaliya ku leeyihiin

Xalay wadada makka al mukarama iyo waddooyinka kale ee waa weyn ee magaalada muqdisho waxaa lagu xiray tabeelooyinka ku yaalla calanka dalka turkiga iyadoona ay socoto qaban qaabo lagu soo dhaweynayo masuuliyiintaas.

Inta ay joogaan magaalada muqdisho madaxda Turkiga waxa ay dhagax dhigi doonaan mashaariic hormarineed oo gudaha muqdisho laga fulin doono.

Comments